Textstorlek:
 
 

Somali

om_oss.jpg
Waxaan u shaqeynaa si aan u beddelno adduunka innagu xeeran

Drömmarnas Hus (hoyga rajada) waxay isticmaalaan rabitaan, farxad iyo xogdoon oo la xiriira dhaqanka, dabiicadda, firfircooni iyo xirfad macallimeed iyo abuuridda qalabka ay adeegsadaan oo ah fikraddooda taas oo la xiriirta isbeddelka bulshada ay u adeegaan.

Ilaa 1990kii waxaanu ka tirsan nahay xaafadda Rosengård ee Malmö. Sannadkii 2000 magaca waxaan ka beddeley ”Teater X” waxaan u beddelney ”Drömmarnas Hus” (hoyga rajada). Waxaan nahay jaaliyad ganacsi oo aan faa’iido raadin, taas oo macnaheedu yahay in mashruucyadeenna oo idil ay ku salaysan yihiin, in aan faa’iido la raadin. Qolooyinka na maalgeliya iyo annaga, isku aragti ayaan ka nahay: Adduunka waa la beddeli karaa iyadoo dhaqanka la isticmaalaayo!

Intaan ku guda jirney mashruucii weynaa ee ugu dambeeyey, kumanyaal carrur iyo dhallinyaro isugu jira ayaa la kulmay shaqaalaheenna aqoonta dheer u leh sida dhinaca dhaqanka ,bulshada iyo dabiicadda. Shaqada iskoolka oo keliya kuma ekin ee waxaannu qabanna waxyaabo badan ay oo ka mid tahay waxbarasho guud. Qof walba waa ka qayb geli karaa,waana lacag la’aan.

Xarruntayadu waxay ku taal Rosengård, dhawrkii sano ee lasoo dhaafay waxaan la shaqeyney meelo badan oo gudaha iyo dibaddaba leh, sida wada shaqaynta caalamiga ah ee yurub.

Ujeedada shaqadeennu waa in dardar la geliyo isdhexgalka iyo wadanoolaanshaha ayada oo la adeegsanayo lana muujinayo, baahidda dhabta ah ee dhallinyarada.


Bookmark and Share
 
Drömmarnas Hus
info@drommarnashus.se
040-31 15 80
 
 
Drömmarnas Hus / Frölichs väg 4, 213 68 Malmö / Telefon: 040 - 31 15 80 / Fax: 040 - 22 27 73 / info@drommarnashus.se